Madaxda safaaradda Soomaaliye ee Masar”Madaxweyne Farmaajo waan uga mahadcelinaynaa dhiira gelinta ardayda

Date:

Qaahir(SONNA) Ardaydii Soomaaliyeed oo deeqda waxbarsho ay u dirtay Dowladda Soomaaliya ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar,kuwaasi oo shalay ka amba baxay magaalada Muqdisho.

Safiir ku xigeenka Soomaaliya ee Masar Mudane Ilyees Sheekh Cumar oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in ardaydan  ay la kulmeen soo dhaweyn wanaagsan,iyadoo  ay kaalin mug leh ku lahayd Safaaradda Soomaaliya ee Masar.

Ilyees Sheekh Cumar ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo guud ahaan madaxtooyada Soomaaliya dowrkoodi  ku aadan ahmiyadda la siiyay  ardayda Soomaaliyeed in la dhiiro geliyo waxbarashadooda,wuxuuna xusay in waxweyn ay tahay in madaxweyne Farmaajo uu  bixiyay qarashaadka diyaaradii qaaday ilaa 76dii Arday oo deeqda waxbarasho heley kadib  heshiis ay horey u wada gaareen madaxda Dowladaha Soomaaliya iyo Masar Markii wafdigii uu hoggaaminayay madaxweyne Farmaajo uu Dalkaasi dhawaan tagay.

Dhanka kale ardaydaasi oo iyagoo ku sugan Qaahir lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ka mahadceliyay sida madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya ay isaga xilsaartay daryeelka iyo waxbarashada ardayda Soomaliyeed,iyagoo xusay in ay tahay talaabo mudan in lagu daysado.

Safiir ku xigeenka Soomaaliya Ilyees Sheekh Cumar oo la socday ardaydaasi Muqdisho ilaa Masar, ayaa dadaal u galay in uu ardaydaasi ku hubsado deegaanadii loogu talagalay oo uu ku simay waxaan uu sidoo kale ku ammaanay ardaydii horey u joogtay Dalka Masar oo u istaagay in ay soo dhaweeyaan walaalohooda martida u ah,iyagoo deegaano u diyaariyay.

Wadanka Masar ayaa kamid ah wadamada sida aadka ah u taageera Soomaaliya gaar ahaan dowrkiisa ku aadan deeqaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed ay u fidiyaan taasi oo wax badan ka bedeli karta horumarka bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada :Dhamaadka sanadkan 2025 ayaa dalka ka howlgelaysa diyaaradda Somali Airlines”

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo shir muhiim uga qeyb galay Qaahira

Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa...

Wasaaradda Warfaafinta oo dowladda Turkiga Ka guddoontay Qalab warbaahin oo Casri ah

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddiga Doorashooyinka oo degmada Cadale ka bilaabay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...