Taliska Xoogga qeybta 12ka April oo sheegay inay guullo ka gaareen howlgal ka dhacay deegaano gobolka Sh/hoose katirsan “Sawirro”

Date:

Muqdisho(SONNA), Taliyaha qeybta 12ka april ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sarreeye guuto Cumar dheere, ayaa hoggaaminayey howlgal ciidamada difaaca ay ku xorreeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose, kaasi oo lagu baacsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

Deegaanada howlgan lagu xorreeyey, waxa kamid ah God, Dofaar, Jambaluul iyo Basra oo kawada tirsan gobolka sh/hoose, waxaana intii uu socday howlgalka  ciidamada xoogga dalka Soomaaliya u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan gaadiid dagaal oo ay lahayeen nabadiidka Al-shabaab.

Taliyaha qeybta 12ka april ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sarreeye guuto Cumar dheere, ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ciimadda ay guullo weyn ka gaareen howlkaasi, ayna ku dileen maleeshiyaad nabad diidka ka tirsan, isagoo intaas raaciyey in nolosha ay ku qabteen dagaalamayaal ka tirsan kooxdaasi Naflacaariga ah.

howlgaladani, ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay maleeshiyada Al-Shabaab ay dad shacab ah ku laayeen miinooyin ay dhulka ku aaseeyen oo ay ku dhinteen dad shacab ah oo wadada isku xirta labada gobol ku safrayay.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...