Maxaad ka taqaanaa Degmada Warshiiq warbixin

Date:

Muqdisho(SONNA) Degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelada Dhexe oo qayaas ahaantii 65 KM ujirta magaalada Muqdisho,waa degmo qadiimi ah oo soo jirtay boqolaal sano ka hor,waxay kamid ahayd degmooyinkii laga xoreeeyey Shabaab muddo sanado ah ka hor,tan iyoxiligaasi degmada waxaa jiray baahiyo dhanka adeegyada bulshada ah.

Dhaqaalaha degmada ayaa ku tiirsan dhaqashada xoolaha iyo ka ganacsiga Kalluunka,waxaa sidoo kale soo wehliyo wax soo saarka beeraha balse aan sidaasi u buurnayn.

Degmada Warshiiq iyo tuulooyinka hoostaga ayaa haatan sameynaya horumaro kaladuwan,hase ahaatee waxaa weli muuqata in ay jiraan baahiyo loo qabo adeegyada bulshada sida Caafimaadka, waxbarashada,waxaana jira goobo waxbarasho aan sidaasi u ballaarnayn.

Hadaba iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaa soconaya dadaalo ku aadan sidii loo horumarin lahaa bulshada gaar ahaan dhanka waxbarashada,dhawaan waxaa tuulada Qeyloweyne oo hoostagta degmada Warshiiq laga hirgeliyay iskuul Hoose Dhexe kaasi oo loogu talagalay in ay ka faaโ€™idaystaan bulshada deegaankaasi,waxaana hirgelisay Hayโ€™adda Gifty of The Givers oo laga leeyahay dalka Koonfur Africa taasi oo ka shaqeysa daryeelka bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelada Dhexe Axmed Xuseen Axmed(SHiidka) ayaa uga mahadceliyay hayโ€™adaasi dadaalkeedi ku aadan isgarabtaaba bulshada,isagoo xusay in ay jiraan baahiyo loo adeegyada muhiimka ah oo ay bulshadu u baahanyihiin.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...