Madaxweyne Trump oo ka hadlay xiriirka kala dhexeeya Japan

Date:

Donald Jey Trump Madaxwaynaha Mareykanka ayaa gaaray dalka Japan lugtiisii ugu horeysay ee booqashada uu ku marayo dalalka Qaaradda Assia hlkaasi oo uu kula kulkmayo madaxda wadamadaa uu tagayo.

Mr Trump oo ciidamada Mareykanka iyo kuwa Japan kula hadlayay saldhiga Yokota oo u dhaw magaaladda Tokyo ee Caasimadda Dalka Jabaan ayaa ammaanay isbahaysiga u dhaxeeya Mareykanka iyo Japan oo uu sheegay in uu yahay mid wanaagsan.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa intaa ku daray in militariga ay haystaan dhaqaalihii loo baahnaa si ay nabadda u ilaaliyaan islamarkana ay xorriyadda u difaacaan.

Booqashada madaxwayne Trump ayaa ku soo beegmaysa xilli ay kacsan tahay xiisadda barnaamijka Niyukleerka iyo tijaabada gantaaladda Kuuriyada Waqooyi,welina majiraan wax war ah oo uu ka yiri arrintaasi Kuuriyada Waqooyi.

Labada madaxweyne ee Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa horey  waxa ay isu waydaarsadeen hanjabaado iyo hadalo kulul kuwaasi oosaxaafadda adduunku ay isku marinayeen.

Waxaa ay noqon doontaa booqashadii ugu dheereyd ee uu madaxwayne Mareykan ah ku tago dibadda muddo 25 sano ah.

Madaxwyen Trump ayaa Booqashadiisa oo qaadan doonta 11 maalmood waxa uu ku tagi doonaa dalalka Japan, Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha, Vietnam iyo Philippine,isagoo xoojinaya xiriirka kaladuwan ee ka dhexeeya wadamadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...