Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiga uu hogaaminayo ee Muqdisho ku sugan ayaa kulan casho sharaf ah layeeshay Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar)

Kulanka casho sharafta ah ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa aqoon yahay Maxamed Cabdi Gandhi,waxaana ay casho sharaf kadib weftiga Madaxweynaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya yeesheen kulan ay kaga wadda hadleen arrimo la xidhiidh muhiimmadda ay leeyihiin dhismaha Garoomada Soomaaliya, maamulka hawada Soomaaliya, iyo koboca dhismayaasha ay dawladda Puntland ka samaysay dhismayaasha garoomada diyaaradaha

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in dhismaha garoomada diyaaraduhu  ay  wax weyn Soomaaliya kusoo kordhinayaan dhaqaale ahaan, horumar ahaan, iyo sahlidda adeegyada deg degga ah ee shacabku u baahan yihiin hadday gargaar tahay iyo haday adeeg caafimaad tahayba.

Sidoo kale Madaxweynaha Gaas ayaa cadeeyey in gacan ku haynta hawada Soomaaliya tahay wax qabad muhiimaddiisa leh, maadaama ay Soomaaliya muddo badan gacanteeda ka maqnayd maamulka hawadeedu, haatana ay si xor ah u maamulayso, taasi oo uu sheegay Madaxweynuhu inay tahay talaabo wanagsan oo hore loo qaatay.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar)ayaa xaqiijiyey in dawladda Puntland horumar lixaadle ka gaadhay dhismayaasha garoomada diyaaradaha madaama ay sadex sanadood guddohood ku hirgashatay sadex garoon oo caalmi ah (three International Airport), waxaana uu wasiirku xusay in taasi tahay horumar wanaagsan oo ay Puntland hormuud ugu tahay guud ahaanba Soomaaliya,

isagoona Madaxweynaha dawladda Puntland ku amaanay dedaalka dheeriga ah ee uu ku bixiyey dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ee ay ugu horeeyaan garoomadaasi iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in dhismaha garoomada diyaaraduhu ay kow ka yihiin illaha dhaqaale ee dalka, isla markaana ay ka qayb qaadanayaan wax kasta oo horumar ah ee Soomaaliya u baahan yahay, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dawladda Puntland diyar u tahay wax kasta oo wanaag ah inay dalkeeda Soomaaliya ka taageerto khibrad ahaan iyo waayo aragnimo ahaanba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarrada...

Degmada Gubadley oo u gudubtay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...

Biyo-dhaamin loo sameeyay qoysaska ay saameysay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka

Hey’adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanatar...

Kulan Looga Hadlay Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Xasilinta oo Lagu Qabtay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...