Boqorka Dalka Sucuudiga ayaa xilalkii ka qaaday qaar ka mid ah Gobolaha Wasiirada

Date:

Amar ka soo baxay Boqorka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdal Casiis ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii ciidamada Ilaalada Qaranka, wasiirkii dhaqaalaha iyo mas’uuliyiin kale.

Dhammaan hay’adaha Qaranka ayaa la hoos keenay dhaxal sugaha Sucuudiga oo ah wiilka uu dhalay Boqor Salamaan.

Maxamed Bin Salmaan ayaa sidoo kale madax looga dhigay hay’adda la dagaalanka musuq maasuqa, taas oo durba soo xirtay ilaa 10-Amiir oo ay ku jiraan wasiiro hore iyo 4-wasiir oo xilka haya.

Caadil Al Faqiih wasiirkii dhaqaalaha iyo Mutcib Ibnu Cabdalla oo uu dhalay boqorkii hore ayaa ka mid ahaa dadka bqortooyada awoodda badan ku laaha, balse talaabadan isbadalka deg degga ah ayaa loo arkaa mid awoodda dhaxal sugaha sare loogu qaadayo.

Dhinaca kalena Milatariga Sucuudiga ayaa soo riday gantaal ay kooxda Xuuthiyiintu doonayeen inay gaarsiiyaan garoonka diyaaradaha magaalada Riyad ee caasimadda Sucuudiga.

Sida ay ku warantay warbaahinta Sucuudiga dhawr gantaal oo dhinaca Yeman laga soo riday ayaa lagu qabtay hawada Sucuudiga, inkastoo Xuuthiyiintu ay sheegeen in bartilmaameedkii ay lahaayeen ay gantaaladaasi gaareen.

Sucuudiga ayaa lugta la galay dagaalka ka socda Yeman, isagoo hogaamiya Isbahaysi ay dhawr dal oo Carbeed ay ku taageerayaan dawladda Yeman.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...