Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, kuwa Dowlad goboleedyada iyo Warbaahinta Madaxa banaan oo caawa kala saxiixanaya hishiisyo dhanka Wacyi gelinta ah “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Waxaa Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Caawa ka socda Munaasabad ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta oo Ujjeedkeedu uu yahay Kulanka isdhexgalka iyo Wacyi gelinta Bulshada Dowladda iyo Bahda Warbaahinta ee Xasilinta dalka, waxaana kasoo qeyb galay Wasiirka Warfaafinta XFS, Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisoow, Wasiiradda Warfaafinta Dowlad goboleedyada, La taliyaha Madaxweynaha ee Dhanka arrimaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/guud Bashiir Maxamed Jaamac, Masuuliyiin Dowladda ka tirsan iyo Marti sharaf kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS, Mudane C/raxmaan Shiikh Yuusuf Alcadaala oo furitaanka Munaasabadda hadlay, ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaraddaha Warfaafinta Dowlad goboleedyada iyo Warbaahinta Madax banaan ee dalka Caawa ay kala saxiixan doonaan hishiisyo qodobo badan ka kooban oo uu kamid yahay in loo midoobo habka Wacyi gelinta Bulshadda Soomaaliyeed iyo in si isku mid ah looga wada qeyb qaato Horumarka Dalka.

Munaasabaddan Wararka kusoo kordha kala Soco Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA

 


 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...