Madaxweyne Trump oo Twitterkiisa muddo kooban hawada laga saaray

Date:

Donal Jey Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa cinwaanka uu ku leeyahay barta Twitterka laga saarey hawada muddo kooban taasi oo jahwareer iyo shaki gelisay Aqalka Cad ee Mareykanka.

Falkani ayaa dhacay fiidnimadii khamiista,balse uu goor dambe uu dib ugu soo laabytay hawada,waxaaan shirkadu ay ka hadashey sababta keentay arrintaasi.

Shirkaddu waxay sheegtay in ciwaanka @realdonaldtrump hawada looga saarat si aan ula kac ahayn, ayna ahayd khalad banii’aadan oo ka dhacay qof u shaqeeya Twitter-ka.

Madaxweyne Trump ayaa la sheegay in cinwankiisa Tiwitterku ay ku xiran yihiin dad gaaraya 41.7 milyen oo ruux oo ku kala nool dunida dacaladeeda,waxaana uu hawada ka maqnaa Ciwaanka madaxweynaha muddo dhan 11 daqiiqo, waxaana soconayan baaritaano arrintani ku aadan Twitter-ka ayaana hadda baaritaan wada.

Wararka ayaa sheegaya in Dadkii booqday ciwaanka madaxwaynaha fiidnimadii Khamiista wakhti kooban ay arkayeen fariin dhahaysa cinwaankaasi majiro.

 

Ciwaanka markii uu dib u shaqeeyay Trump wuxuu markii u horaysay soo dhigay qorshaha xisbiga jamhuurigu uu ku doonayo in uu ku dhimo canshuurta.

Ciwaanka @POTUS, oo ah midka rasmiga ah ee madaxweynaha Maraykanka ayaa isagu sidiisii u shaqaynayay.

MMadaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay in istaicmaalka Twitterka uu ku soo biiray bishii Maarso ee 2009kii.

Intaa wixii ka dambeeyayna si joogto ah ayuu u iisticmaali jiray si uu ugu faafiyo afkaarihiisa, sidoo kale wuxuu ku weerarayay dadka ka soo horjeeday intii ay socotay ol’olihii doorashada ee 2016kii iyo intii uu xilka la wareegay bishii Janaayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...