Madaxweyne Gaas oo kulan gaar ah la yeeshey xubnaha labada Aqal ee Puntland matalaya

Date:

Kulanka casho sharafta ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawlad Goboleedka Puntland oo ku sugan magaalada Muqdisho iyo xubno katirsan madaxtooyada maamulkaasi.

Casho sharaf kadib Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka DFS u matala Puntland ayaa kulan gaar ah oo ay wada-yeesheen waxa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin qodobadan soo socda.

  1. Isxog waraysi.
  2. Isku xidhka iyo wada shaqaynta maamulka Puntland iyo DFS.
  3. qaybsiga khayraadka dalka.
  4. Arrimaha Fadaraalka iyo Dastuurka
  5. kawada shaqaynta aminiga, xasiloonida iyo horumarinta Soomaaliya.

Kunlanka oo ahaa kulan wada tashi ah ayaa waxay ay Madaxweynaha iyo xildhibaanadu gorfeeyeen dhammaan qodobadan kor-kuxusan, kuwaas oo ay tilmaameen inay muhiim tahay in laga wada hadlo, laga wada tashto si loo dardargeliyo wada shaqaynta DFS iyo dawladdaha xunaha ka ah DFS, isla markaana meel looga soo wada jeesto wax kasta oo lid ku ah midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka looga xorayn lahaa kooxaha nabad diidka ah.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xildhibaanada uga xog-waramay horumarka, xasiloonida iyo amniga guud ee ka jira dhammaan mandaqadda Puntland, shacabka ku dhaqan Puntlandna ay yihiin kuwo u heelan ka qayb qaadashada kaabayaasha dhaqaalaha ka socda guud ahaan gobolada Puntland.

Dhinaca kale Xildhibaanda labada aqal ee dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa dhankooda cadeeyey inay diyaar u yihiin sidii ay uga soo bixilahaayeen shaqooyinka loo igmaday ee ay u idman yihiin inay u shaqeeyaan shacabkooda Soomaaliyeed, ka qayb qaataan sidii qaranka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa meel uu mudan yahay.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka DFS u matalaya Puntland inay u diyaar sanaadaan sidii ay qab uga noqon lahaayeen horumarinta dalkooda hooyo iyo ka xoraynta dalkooda cadawga shacabka Soomaaliyeed ee Al-shabaab iyo Daacish kuwaas oo gumaadaya shacabka Soomaaliyeed lidna ku ah nabadda, xasiloonida iyo horumarka qaranka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...

Soomaaliya oo soo Dhaweysay Is-fahamka iyo Is-afgaradka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayay ku soo...