Taliyahii hore ee Booliska oo maanta Xilka ku warreejiyey Taliye ku xiggeenka Ciidankaasi “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONN) Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Janaraal Kaahiye ee Magaaladda Muqdisho maanta waxaa lagu qabtay Munaasabad xilka taliyenimo ee Booliska kula wareegayo S/guud Mukhtaar Xuseen Afrax oo hore u ahaa Taliye ku Xiggeenka Ciidankaasi, waxaana uu xilka si ku meel gaar ah uu  kala wareegay Taliyihii Ciidanka Booliska Gen Saacid oo dhowaan Golaha Wasiiradda XFS ay xilka ka qaadeen.

Taliyahii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen C/Xakiin Saciid Saacid oo Munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in Gen Muqtaar uu yahay howl kar kasoo bixi kara Shaqada Booliska, islamarkaana muddo badan uu  ka mid ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

S/guuto Muqtaar Xuseen Afrax, ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa u mahad celiyey Taliyahii hore ee Ciidanka, isagoo Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka codsaday in la garab istaago.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GUUD EE GOLAHA SHACABKA.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...