Guddiga Gurmad Qaran oo sheegay inay soo gabagabeeyeen  Wajiga koowaad ee gurmadka dadkii lagu Xasuuqay KM5

Date:

Muqdisho (SONNA) Iyadoo lasoo gaba gabagabeeyay wajiga  koowaad ee gargaarka deg dega ah, ayaa waxaa maanta deeq lacageed loo qeybiyay dad gaarayo 50 qof, Kuwaasi oo  waxyeelo ay kasoo gaartay  qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad  iyo Sheekh Nuur Baarud gurxan oo ka hadlay gooobta gargaarka lagu qeybinayey, ayaa waxay sheegeen  in masiibadan Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan ay wada dareemayaan, loona baahnayahay in la sabro oo ALLE la weydiisto Nimcooyinkiisa.

Qaar ka mid ah dadkii Deeqda la gaarsiyay, ayaa ugu mahad celiyay Guddiga Gurmad Qaran iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay Ololaha Gurmadka.

Guddoomiyaha Guddiga Gurmad Qaran, Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo gabagabadii ka hadlay halkaasi, ayaa faafaain ka bixiyay howlaha gurmadka ah ee ay wadaan, waxuuna sheegay in uu soo dhamaaday gargaarka deg dega ah Wajigiisa  koowaad, ayna bilaabi doonaan wajiga labaad,

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...