Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ugu Baaqay Warbaahinta Dalka inay ka qeyb qaadato Hormarka

Date:

Muqdisho (SONNA) Dr: Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa ugu horeyn kaga mahad celiyay Warbaahinta Dalka howsha ay u haayaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan sida ay kaga qeyb qaateen masiibadii 14 Octobar ka dhacday Isgoyska Ex Soobe.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ay tahay in lagu Amaano Warbaahinta Soomaaliyeed daruufaha ay ku shaqeeyaan ayna mudan tahay in lagu amaano doorkii ay ka qaateen gurmadkii loo sameeyay dhibaatadii 14 October.

Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa dhanka kale tilmaamay in ay tahay Warar qaar in ay ka fiirsato Warbaahinta Soomaaliyeed aysana ahayn in bulshada loo tabiyo maadaama ay yihiin kuwo gudbinaya muuqaal xun isagoona tusaale usoo qaatay weerarkii maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ay dhawaan ku qaadeen Hotelka Naasa hablood2 ee Degmada Xamarweyne.

Dr Axmed Cali Daahir waxaa uu sheegay in looga baahan Wariyaasha Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarinta Dalka taasina ay ku imaan karto tabinta iyo xaqiijinta Wararka ay bulshada u gudbinaayaan.

Warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka ayaa xusid mudan in ay door weyn ka qaadatay horumarinta Dalka inkastoo ay jiraan dhaliilo iyo dal- doloolo yar yar oo ku aadan qaabka tabinta wararka Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...