Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay Warar ay tabiyaan Warbaahinta Dalka

Date:

Dr: Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa ugu horay kaga mahad celiyay Warbaahinta Dalka howsha ay u haayaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan sida ay kaga qeyb qaateen masiibadii 14 Octobar ka dhacday Isgoyska Ex Soobe.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ay tahay in lagu Amaano Warbaahinta Soomaaliyeed daruufaha ay ku shaqeeyaan ayna mudan tahay in lagu amaano doorkii ay ka qaateen batinta iyo gurmadkii loo sameeyay dhibaatadii 14 October.

Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa dhanka kale tilmaahay in ay tahay Warar qaar in ay ka fiirsato Warbaahinta Soomaaliyeed aysana ahayn in bulshada loo tabiyo maadaama ay yihiin kuwo gudbinaya muuqaal xun isagoona tusaale usoo qaatay weerarkii maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ay dhawaan ku qaadeen Hotelka naasohablood2 ee Degmada Xamarweyne.

Dr Axmed Cali Daahir waxaa uu sheegay in looga baahan Wariyaasha Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarinta Dalka taasina ay ku imaan karto tabinta iyo xaqiijinta Wararka ay bulshada u gudbinaayaan.

Hadalkaan Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Mudane Axmed Cali Daahir aya kusoo beegmaya xili magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka uu shir wadatashiya kaga soconaayo Wasaaradda Warfaafinta Qaranka,Wasaaradaha Maamul goboleedyada qeybta ka ah Dowladda dhexe iyo Warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka.

Warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka ayaa Xusid mudan in ay doorwayn ka qaadatay horumarinta Dalka inkastoo ay jiraan dhaliilo iyo dal- doloolo yar yar oo ku aadan qaabka tabinta wararka Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...