Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay Warar ay tabiyaan Warbaahinta Dalka

Date:

Dr: Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa ugu horay kaga mahad celiyay Warbaahinta Dalka howsha ay u haayaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan sida ay kaga qeyb qaateen masiibadii 14 Octobar ka dhacday Isgoyska Ex Soobe.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ay tahay in lagu Amaano Warbaahinta Soomaaliyeed daruufaha ay ku shaqeeyaan ayna mudan tahay in lagu amaano doorkii ay ka qaateen batinta iyo gurmadkii loo sameeyay dhibaatadii 14 October.

Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa dhanka kale tilmaahay in ay tahay Warar qaar in ay ka fiirsato Warbaahinta Soomaaliyeed aysana ahayn in bulshada loo tabiyo maadaama ay yihiin kuwo gudbinaya muuqaal xun isagoona tusaale usoo qaatay weerarkii maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ay dhawaan ku qaadeen Hotelka naasohablood2 ee Degmada Xamarweyne.

Dr Axmed Cali Daahir waxaa uu sheegay in looga baahan Wariyaasha Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarinta Dalka taasina ay ku imaan karto tabinta iyo xaqiijinta Wararka ay bulshada u gudbinaayaan.

Hadalkaan Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Mudane Axmed Cali Daahir aya kusoo beegmaya xili magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka uu shir wadatashiya kaga soconaayo Wasaaradda Warfaafinta Qaranka,Wasaaradaha Maamul goboleedyada qeybta ka ah Dowladda dhexe iyo Warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka.

Warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka ayaa Xusid mudan in ay doorwayn ka qaadatay horumarinta Dalka inkastoo ay jiraan dhaliilo iyo dal- doloolo yar yar oo ku aadan qaabka tabinta wararka Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...