Wasiirka Maaliyadda XFS oo Golaha Shacabka ย ka codsaday in ay ansixiyaan Sharciga Maareynta Maaliyaddaย 

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane ย C/raxmaan Ducaale Bayle, ย ayaa maanta Xildhibaanada Golaha shacabka Jamhhuuriyadda Soomaaliya ย hortagay, isagoo ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka Sharciga Maareynta Maaliyadda oo Wasaaradda Maaliyadda ay soo diyaarisay.

Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in Sharcigan uu yahay mid lagu hubinayo Dakhliga maaliyadeed ee DFS, uuna yahay mid muhiim u ah Maaliyadda Qaranka, waxaana uu xusay in uu ย xoojinayo maaliyada iyo maamulkeeda wax badanna uu ย kabadali doonno habka Maaliyada Dalka.

” Shircigaan waa Sharciga haggi doonna Maaliyadda Dalkeena ee gudaha iyo dibada ka yimaada, waxuu sharcigan xoojinayaa ย Maaliyada iyo Maamulkeeda, waxuu qeexayaa Awooddaha dadka ka shaqeeya Maaliyadda, waxa uu qeexayaa Wasiirka iyo Arrimaha Masuuliyaddiisa, waxuu qeexayaa shaqaallaha Bankiga ย iyo xaquuqdooda, waxuu ka hadlayaa Maamulka Lacagta iyo qorsheyaashiisa” ayuu yiri Wasiir Beyle

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale