Wasiirka Maaliyadda XFS oo Golaha Shacabka ka codsaday in ay ansixiyaan Sharciga Maareynta Maaliyadda

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane  C/raxmaan Ducaale Bayle,  ayaa maanta Xildhibaanada Golaha shacabka Jamhhuuriyadda Soomaaliya  hortagay, isagoo ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka Sharciga Maareynta Maaliyadda oo Wasaaradda Maaliyadda ay soo diyaarisay.

Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in Sharcigan uu yahay mid lagu hubinayo Dakhliga maaliyadeed ee DFS, uuna yahay mid muhiim u ah Maaliyadda Qaranka, waxaana uu xusay in uu  xoojinayo maaliyada iyo maamulkeeda wax badanna uu  kabadali doonno habka Maaliyada Dalka.

” Shircigaan waa Sharciga haggi doonna Maaliyadda Dalkeena ee gudaha iyo dibada ka yimaada, waxuu sharcigan xoojinayaa  Maaliyada iyo Maamulkeeda, waxuu qeexayaa Awooddaha dadka ka shaqeeya Maaliyadda, waxa uu qeexayaa Wasiirka iyo Arrimaha Masuuliyaddiisa, waxuu qeexayaa shaqaallaha Bankiga  iyo xaquuqdooda, waxuu ka hadlayaa Maamulka Lacagta iyo qorsheyaashiisa” ayuu yiri Wasiir Beyle

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Yeman

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan is xogwareysi ah la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane...

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...