Maamulka cusub ee golaha deegaanka Xudur oo maanta si rasmi ah u howlgalay

Date:

Xaflad ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Cusub ee Goloha Degaanka Degmada Xudur ayaa maanta lagu qabtay isla magaalada Xudur, taasoo ay ka  qeybgaleen Culimaa’udiin, Waxgarad, Haween, Dhalinyaro, Saraakiisha Booliska iyo Martisharaf kale.

Ujeeddada loo qabtey Xafladda ayaa waxay tahay in lagu dahfurayo Xafiisyada Xubnaha goloha degaanka ee degmada Xuddur oo dhowaan la dhisey.

Waxa munaasabadda ka hadley gudddoomiyaha Degmada Xuudur Maxamed Macalin Axmed oo sheegey in laga billaabo maanta xafiisyadii degmada oo loogu adeegayo Bulshada ay furan yihiin wuxuuna bulshada ka codsadey in ay la shaqeeyaan isla markaasna ay diyaar u yihiin in lala xisaabtamo.

Taliyaha Ciidamada  Booliska gaarka ah ee gobolka Bakool Korneyl Cabdulaahi Xasan  Cabdule “Qadaafi” oo munaasabadda ka Hadlay ayaa shacabka ku booriyay in ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga.

Bulshadii ka soo qeyb gashay munaasabadda ayaa soo dhoweeysay xafiisyada cusub waxayna ballan qaadeen in ay la shaqeynayaan maamulka cusub.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bakool ahna ku simaha guddoomiyaha Cabdulaahi Maxamed Nuur  oo gabagabadii xaflada soo xirey ayaa xubnaha xildhibaannada kula dardaarmey in aysan qabiil u shaqeynin wax kastana ay ka hormiriyaan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waa xafladdii ugu horeysey oo maamulka degmada Xuddur uu qabto tan iyo markii maamulkaan cusub la dhisey muddo hada laga joogo 16 maalmood.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...