Ciidamada Xoogga Dalka oo Al shabaab kala wareegay Deegaano ka tirsan Sh/hoose

Date:

Muqdisho (SONNA) C/fitaax Cabdulle Yuusuf oo ah Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Maamulka Koonfur galbeed ay la wareegeen Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka shabeelaha hoose oo markii hore ay ku sugnaayeen nabad diidka Al shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Shabeelaha Hoose C/fitaax Cabdulle Yuusuf ayaa tilmaamay in deegaanada Ciidamdu kala wareegeen maleeshiyada Al shabaab ay yihiin deegaano hoostaga Degmada kuntawaaray ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

C/fitaax Cabdulle Yuusuf ayaa sheegay in deegaanada ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay maleeshiyaadka Al shabaab ku dhibaatayn jireen Dadka Shacabka ah balse hada ay si buuxda Ciidamada Xoogga Dalka ay gacanta ku haayaan ayna Khasaare gaar siiyeen nabad diidkii Al shabaab ee ay kala wareegeen.

Howlgalkan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kula wareegeen Deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah gulufka Dagaal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in deegaanada yar yar ee maleeshiyaadku kaga sugan yihiin Gobolada Dalka looga gacan maroojiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...