Bankiga aduunka oo Maalgalinaya dib u dhiska Goobaha laga Qabsadey Daacish ee Dalka Ciraaq

Date:

Washinton( SONNA)- Bangiga aduunka ayaa maanta ogolaaday  400 milyan oo doolar oo dib loogu dhisayo degaanada Ciidamada Ciraaq ay ka xoreeyeen argagixisada al-Qaacidda.

Muddo saddex bilood ah ayay Ciidamada Ciraaq iyo kuwa xulafada la ah ku qaadatay dib u xoreynta degaanadaasi ka baxay gacanta  Al-Qaacida kadib markii lagu qaaday olole Militari oo degaanadaasi dib loogu soo gelinayao maamulka Dawladda Dhexe ee Ciraaq.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in madaxda Bangiga aduunka ay iminka qorsheynayaan  qaabkii ay uga qeyb qadan lahaayeen kaabayasha kale ee dhaqaalaha dalkaasi Ciraaq ee ku burburay dagaalka sida Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Mousil,khadka Tareenada iyo  isgaaarsiinta kale.

Bayaan uu soo saaray Bangiga aduunka ayaa sidoo kale lagu sheegay in  lacago kale oo dheeri isla markaana  gaaraya $ 350 milyan oo deg deg aheyd uu Bangigu ogolaaday in la bixiyo bishii tagtay ee July,lacagtaasi oo iyana loogu tala galay mashaaricda horumarinta Todobo magaalo oo ciraaq ka tirsan kuna yaal Gobolka Diyala.

Bayaanka uu soo saaray bangiga aduunka waxaa kaloo lagu xusay inuu Bangigu kaalin mug leh ka qaadan doono dib u soo nooleynta goobaha Taariikhiga ahaa ee dalkaasi Ciraaq ee dagaalka ku burburay  gaar ahaan magaalada Mousil.

Cidamada Xukuumadda Ciraaq oo kaashanaysa Ciidamada kale ee Isbaheysiga gaar ahaan kuwa Mareykanka ayaa dagaal muddo 9 bilood ka socoday magaalada Mousil  kadib ayu suurta gashay inay kooxda Daacish dib uga qabsadaan.

Masu’liyiinta Ciraaq ayaa ku qiyaasay dib u dhiska magaalada Mousil in uu socon doonto muddo 5-Sano ayna ku bixi doonto Malaayiin Doollar.

W/D: Mukhtar

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Dalka Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Waxbarashada oo dib u dhistay Iskuulkii Farsamada Gacanta Maxamuud Axmed Cali ee degmada Kaaraan

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka...

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tegay Dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...