Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Ethiopia uga mahad celisay kaalintii ay ka qaadatay gurmadka dadkii ku waxyeeloobay Xasuuqii KM5

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa   si gaar ah ugu mahad celisay dhaqaatiir leh takhasuusyada , qaliinka guud , qaliinka kilyaha iyo kaadi mariinka , qaliinka lafaha iyo jajabka iyo qaliimada la xiriira gubniinka iyo qurxinta (plastic surgery) ee Dowladda  Ethiopia ay usoo dirtay Magaaladda Muqdisho, si ay uga qeyb qaataan gurmadka dadkii Nabad diidka Kooxda Alshabaab ay ku xasuuqeen Isgooyska 14 ka Octoobar Ex Zoobe, dhaqaatiirtaas ayaana dalka  ka  fuliyay qaliimo iyo daawayn.

Wasaaradda Caafimaadka XFS, ayaa sheegtay in  xiriir Iskaashi oo Istaaraatiiji ah la bilaabeyso Wasaaradda caafimaadka Federaalka ee Dalka Ethiopia, waxayna uga mahad celinaysay  gurmadkii daawo  qalab , iyo dhaqaatiir oo ay la soo gareen walaalohooda ku wax yeeloobay Musiibada 14ka October 2017.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka, ayaa  u mahad celinaysay Safaaradda Ethiopia ee Soomaaliya sida wanaagsan oo ay isugu xirtay labada Wasaaradood iyo wadashaqaynta wanaagsaned muddada ay wadeen dhaqaatiirta Ethiopia howlaha gurmad iyo daaweyn  oo ay ka wadayn Muqdisho mudadii 10 ka cisho ee la soo dhaafay.

Dhaqaatiirta Ethiopia waxay fuliyeen qaliimo gaaraya 20 case,  waxayna daaweyn bilaash ah u sameyeen in ka badan 100 bukaan ah, waxay sidoo kale dalka Ethiopia u qaadi doonaan tiro bukaanno ah o aan Muqdisho waxba looga qaban karin sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay soo saartay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray macalimiinta Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud...

Wasiirka deegaanka oo la kulmay Wakiillada uga qeybgalaya Soomaaliya COP30.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo...

Guddoomiye Abshirow oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada ah.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,...