Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Ethiopia uga mahad celisay kaalintii ay ka qaadatay gurmadka dadkii ku waxyeeloobay Xasuuqii KM5

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ย  si gaar ah ugu mahad celisay dhaqaatiir leh takhasuusyada , qaliinka guud , qaliinka kilyaha iyo kaadi mariinka , qaliinka lafaha iyo jajabka iyo qaliimada la xiriira gubniinka iyo qurxinta (plastic surgery) ee Dowladda ย Ethiopia ay usoo dirtay Magaaladda Muqdisho, si ay uga qeyb qaataan gurmadka dadkii Nabad diidka Kooxda Alshabaab ay ku xasuuqeen Isgooyska 14 ka Octoobar Ex Zoobe, dhaqaatiirtaas ayaana dalka ย ka ย fuliyay qaliimo iyo daawayn.

Wasaaradda Caafimaadka XFS, ayaa sheegtay in ย xiriir Iskaashi oo Istaaraatiiji ah la bilaabeyso Wasaaradda caafimaadka Federaalka ee Dalka Ethiopia, waxayna uga mahad celinaysay ย gurmadkii daawoย  qalab , iyo dhaqaatiir oo ay la soo gareen walaalohooda ku wax yeeloobay Musiibada 14ka October 2017.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka, ayaa ย u mahad celinaysay Safaaradda Ethiopia ee Soomaaliya sida wanaagsan oo ay isugu xirtay labada Wasaaradood iyo wadashaqaynta wanaagsaned muddada ay wadeen dhaqaatiirta Ethiopia howlaha gurmad iyo daaweyn ย oo ay ka wadayn Muqdisho mudadii 10 ka cisho ee la soo dhaafay.

Dhaqaatiirta Ethiopia waxay fuliyeen qaliimo gaaraya 20 case, ย waxayna daaweyn bilaash ah u sameyeen in ka badan 100 bukaan ah, waxay sidoo kale dalka Ethiopia u qaadi doonaan tiro bukaanno ah o aan Muqdisho waxba looga qaban karin sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay soo saartay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale