Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ka Jeediyey Furitaanka Shirka Wadatashiga

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey caawa munaasabadda furitaanka Shira wadatashiga ee ka furmay magaalada Muqdisho kaasi oo u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

Madaxweyne Farmaajo Khudbaddiisa waxa uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka oo ay ugu horeyso ammaanka gaar ahaanna dagaalka lagu soo af jarayo argigixisada usoo tafa xeydatay daadinta dhiiga shacabka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed iyo sida dagaalkaasi uu muhiim ugu yahay in si mideysan loo wajaho.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo waxa uu khudbadiisa uga hadlay sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay sugidda amniga dalka iyo muhiimada wada shaqeynta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...