Culimada Soomaalida ee ku nool Johannesburg oo qabtay nadwo diini ah oo looga hadlayay dhibaatooyinka kooxaha xagjirka ah ee al shabaab.

Date:

Culimada Soomaalida ee ku nool magaalada Johannesburg oo nadwo diini ah ku qabtay masjidka Imaamu shaafici ee xaafada Mayfair oo Soomaali dagan tahay ayaa kaga hadlay dhibaatada kooxaha argagaxisada ay ku hayaan caalamka gaar ahaana wadanka Soomaaliya.

Nadwada oo aheyd mid loo qabtay  Soomaalida ee ku nool xaafada Mayfair ayaa waxaa xooga lagu saarayay in laga wacyi galiyo bulshada dhagarta kooxaha argagaxisada iyo sida looga hortagi karo isla markaana si wadajir ah laga iga kaashan lahaa ka hortaga dhibaatada ay kooxahan ku hayaan ummada Soomaaliyeed.

Culimada ayaa tixraax ku sameeyay dhamaan weeraradii kooxda argagaxisada ee shabaabku u geysteen ummada Soomaaliyeed kuna dhameeyay shacab badan oo Masaakiin ah kuwaa oo qaarkood ku jiray masaajida lagu cibaadeysto,arday dhameystay waxbarashadooda , shacab masaakiin ah oo ka adeeganayay suuqyada magaalada muqdisho iyo kuwa ku sugnaa hotelo iyo goobo bulshada isugu timaado waxaana dhamaan falalkaasi ay muujinayaan kuwa ka fog diinteena suubaan.

Sheikh Cabdirisaaq Mowlaana oo ka mid ah  culimada ka hadashay kulankaan ayaa sheegay in dhamaan dadka fududeeya falalka lagu gumaadayo shacabka qalbiyadana ka jacel in dhibaato ay dhacdo ay meel lasoo istaagi doonaan maalinta aakhiro kooxda argagaxisada ah ee baneystay dhiiga shacabka Muslimiinta ah.

“Hadaad maskaxdaada kaga qeybqaadato,oo afkaada kaga qeybqaadato,ama carafkaada aad kaga qeybqaadato iyo hadaad gacantaada aga qeybqaadato iyo hadaad qabliga ka jeclaato,dhibaatadaas wax baad ka geystay,xagee baad galeysaa marka maalinta aakhiro dadkii dilkooda aad ka qeybqaadatay oo waliba aad ayaga oo nool qarax ku gubtay ay yimaadaan alle hortiisa laguugu weydiiyo maxaad u dishay”

Sheikh Maxbuub sheikh xuseen Ciil mooge oo ka mid ah culimada Soomaalida ayaa sheegay in falalka kooxahaan ay ku gumaadayaan shacabka Soomaaliyeed looga hortagi karo midnimo iyo isku duubni oo kali ah.

“Waxaad mooda in wali bulshadeena aysan garan halka nagala heysto,waxaan wali daba taaganahay cudurkii na kala diray 1991-dii,waxaa loo baahan yahay in aan ka fogaano wax walba oo kala fogeyn kara midnimadeena wadajirkeeena ayaa muhim ah,doodeena macnaha laheyn waxaa ay fursad siineysa cadowka”

Culimada ayaa ugu baaqay bulshada in si wadajir ah ay meel uga soo wada jeestaan la dagaalanka kooxaha cadeystay gumaadka ummada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalkii hooyo ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...