Wasiirka Batroolka iyo Macdanta oo hortagay Baarlamaanka

Date:

Muqdisho (SONNA) Kulanka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Akhrinta 1-aad mariyay Hindise Sharciyeedka Batroolka iyo Macdanta, waxaana kulanka shir Guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Shiekh Ibraahim Muudeey,

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ka hor akhriyay Muhiimada uu sharcigan dalka u leeyahay iyo marxaladihii uu soo maray, wuxuuna sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la helo sharci lagu xakameynayo Batroolka iyo Macdanta, laguna wada qanacsan yahay, isagoo ka codsaday Baarlamaanka in si deg deg ah ay u ansixiyaan sharcigan.

Ka dib Akhrinta 1-aad ee hindise sharciyeedka Batroolka iyo Macdanta dalka ayaa Guddoomiye xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka waxa uu warbaahinta ku wargaliyay in banaanka uga baxaan hoolka Golaha, taasoo uu ku sababeeyay in Mudanayaasha ay leeyihiin kulanka isla xisaabtan ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...