Gddoomiyaha G/Shabeelada Hoose oo la kulmay maamulka Deegaanka Buulo-Mareer

Date:

Kulankani oo looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta amaanka ayaa ka dhacay Deegaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeelada Hoose,iyadoo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin saraakiil iyo qeybaha bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose  Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo ay wehliyaan saraakiil katirsan ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugaan deegaanadaasi  ayaa gaarey deegaanka Buulo-Mareer halkaasi oo kulankan uu ku dhexmaray isaga, maamulka deegaanka iyo bulshada halkaasi kunool.

Guddoomiyaha ayaa saraakiisha iyo maamulka ka dhageystay warbixino ku aadan xaaladaha guud ee ahniga deegaankaasi,iyo baahiyaha dhanka adeegyada bulshada,waxaana siweyn looga hadlay sidii shacabka iyo maamulka ay ciidamada ugala shaqeyn lahaayeen xaqiijinta amniga iyo ka hortaga dhagaraha cadowga umadda Soomaaliyeed ee Shabaab.

Ibraahim Aadan Cali Najax guddoomiyaha Gobolka ayaa maalmahan waxaa uu kormeer uu ugu kuurgal;aya xaaladaha guud ee amniga iyo dhaq dhaqaaq bulshada ku marayay qaar kamid ah deegaanada Gobolka Shabeelada Hoose.

Dhanka kale wefdiga guddoomiyaha ayaa gaarey deeganka Golweyn waxaana safarka u ujeedkiisu yahay ukuurga, ka xaaladaha deegaanada Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...