Xiisado siyaasadeed oo kataagan Kenya

Date:

Kenya(SONNA) Guddoomiyaha iyo saraakiil kale oo ka tirsan guddida oo warfidiyeenka kula hadlay xarunta guud ee tirinta codadka ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey sababaha ay u cuskadeen in ay hakiyaan doorashadii laga qaban lahaa afar gobol oo galbeedka dalka ku yaal, kuwaas oo marka hore ay qorsheeyeen in shalay oo Sabti ah ay ka dhacdo doorashadu.

Wuxu sheegay in sababahaas ay ka mid yihiin in shaqaalahii doorashadu aanay gaadhin goobahaas wakhtigii loogu talo galay.

Waaxnu yidhi “guddi ahaan wax kastaa waa naga diyaar laakiin waxa jira arimo dhinaca nabad gelyada ah oo ay tahay inaanu tix gelin siino, marnaba halis ma gelin karno nolosha shaqaalahayaga”.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in guddidi shir yeelan doonaan ay kaga arinsanayaan talaabada xigta ee ay qaadayaan “shacabka dalka waanu u sheegi doonaa waxa aanu ka damacsannahay goobahaas aanay doorashadu ka dhicin waxa laga yeelayo”

Wuxu sheegay in ay xarunta dhexe soo gaadhay natiijada 260 degmo doorasho oo ka mid ah 290 degmo doorasho ee ay doorashadu ka dhacday, taas oo ka dhigan buu yidhi in 37,161 goob codbixineed oo ka mid ah 40,000 ay natiijadoodii haatan gacanta ku hayaan.

Mar la waydiiyey sida uu ku caddayn karo qiyaasta ay gudidu shaacisay ee ah in tirada dadka codbixinta u soo baxay ay ahayd boqolkiiba 48, gudoomiyuhu wuxu yidhi “marka la eego dadka lagu xaqiijiyey qalabka elektarooniga ah ee codka lagu dhiibanayey iyo tirada guud ee diiwaan gashan waxaa noo caddaatay in codbixiyeyaasha diiwaan gashan boqolkiiba 48 ka mid ahi ay codkooda dhiibteen”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...