Weerarkii Naasahablood2 oo la soo afjaray iyo mas’uuliyiin la soo badbaadiyay

Date:

Muqdisho(SONNA) Wararka aanu ka heleyno hotelka Nasahablood2 ayaa sheegay in Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ay soo badbaadiyeen dad badan oo ku go’doonsanaa hotelka la weeraray.

Mas’uuliyiinta amniga  ayaa sheegayaa in dadka la soo bad baadiyay ay kamid ahaayeen mas’uuliyiin iyo Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Guddiga Taakuleynta Ciidamada.

Ciidamada Ammaanka iyo dableyda hubeysan ee gudaha ugu jiray Hotelka ayaahalkaasi ku dagaalamayay iyadoo la maqlayaya qaraxyo iyo rasaas goos goos ah.

ku dhawaad 20 qof ayaa ku geeriyootay weerarkaasi halka dhaawacyo uu soo gaaray dad intaasi ka badan waxaana dadka ku dhintay weerarkaas ka mid ah wasiirkii Arrimaha Gudaha Koofur Galbeed Madoobe Nuunow, Xildhinaan Hore C/naasir Gaarane iyo Sarkaal boolis oo lagu magacaabo Fanax, dhaawacyada ayaa la dhigay isbitaalada

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...