Wasaaradda Amniga XFS oo sheeegtay in Gacanta lagu dhigay 3 ka mid ah Ragii weerarka gaystay’

Date:

Laamaha amaanka Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee Xalay soo gaban-gabeeyay weerar maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ku qaadeen shalay galabnimadii shalay Hotelka Naasahablood 2 ee Degmada Xamar-weyne.

Wasaaradda Amniga XFS ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen Ciidamada gaar ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Rag ka tirsan dhagar qabayaashii weerarka kusoo qaaday Hotelka Naasahablood2 ee Degmada Xamar-weyne halka qaar ka mid ahna  ay Ciidamadau dileen.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga  XFS C/casiis xildhimaan ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamadu Xalay ku guulaysteen in ay guuda ahaanba soo afjaraan weerarka.

C/casiis xildhimaan ayaa Afhayeenka Amniga ayaa tilmaamay in Ciidamadu gacanta ku dhigeen sadex ka mid dhagar qabayaashii weerarka soo waaday halka midna isku dhexe qaraxiayay Hotelka gudihiisa.

Ragga weerarka soo qaaday ee ka tirsanaa maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ayaa ka koobnaa shan”5″ mid ka ah waxaa uu isku qarxiyay gaariga midna gudaha  Hotelka ayuu isku qarxiyay inta kale nolal ay ku hayaan Ciidamada Amaanka DFS.

Ciidamada  Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goobta ka howl galay waxii ka dambeeyay weerarka  ay ku qaadeen Maleeshiyaadka Al shabaab iyagoona Ciidamadu soo bad baadiyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay doonaayeen in ay laayaan dhagar qabayaasha nabad diidka ah ee Al shabaab.

Wali Dowladdu ma shaacin tirada rasmiga ah oo ku dhimatay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarka Argagixisadu ku qaadeen Hotelka Naasahabloo 2  ee Degmada Xamar-weyne

Raagaan ka tirsanaa maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday Hotelka  Naasahablood 2  ayaa tusaale u ah guulaha ay Ciidmada Soomaaliya ka gaarayaan  falalka Argagixisada nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaab ku dhibaatayeen Shacabka Soomaaliyeed.

Maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaab ayaa habeen iyo maalinta ku howlan dhibaataynta iyo gumaadka Shacabka Soomaaliyeed taasoo ku tusaysa hadaf  la,aanta Argagixisadahase yeeshee Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa u taagan ka hortagida falalka guracan ee nabad diidku ku doonayaan dhibaataynta Shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay ee Gobolka Bay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo guddoomiyey Shirka Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Wasiiru-Dowlaha Caddaaladda oo xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo taliyaha cusub

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya, ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Ilyaas...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin...