Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Muqdisho shalay ka dhacay

Date:

Muqdisho (SONNA)  Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa tacsi u diray Ummadda Soomaaliyed iyo Ehelada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii Qaraxyada ay la socdeen ee  Shalay galab Maleeshiyada Argagixisada ah Alshabaab ay ku qaadeen hotel Naasa hablood2, kaasi oo waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Taliyaha Ciidanka asluubta Soomaaliyeed, S/gaas Xuseen Xasan Cismaan, ayaa sheegay in argagixisada ay usoo jeesteen daadinta dhiigga dad shacab ah oo aan waxba galabsan, isagoo ALLE uga baryey dadkii ku dhintay Weerarkaasi in alle janadiisa Fardowza uu ugu bashaareeyo, halka kuwa dhaawacmayna uu EEBE uga baryey caafimaad deg deg ah uu siiyo.

Taliyaha Ciidanka asluubta Soomaaliyeed, ayaa sidoo kale u tacisiyadeey masuuliyiintii qaraxaasi ku dhintay oo ay kamid yihiin Ex Xildhibaan Cabdi naasir gaarane, Ex Wasiir Madoobe nuunoow iyo G/dhexe Max’ed Yuusuf Nuur (Fanax) Taliyihii saldhiga Booliska degmada Dayniile, waxaana uu ku tilmaamay in ay ahaayeen daljireyaal danta qaranka ka shaqeynayey, taariikhdana ay baal dahab ah ka geli doonaan.

ugu dambeyn Taliyaha, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kaqeyb qaataan dagaalka lagula jiro Nabad diidka Alshabaab, Ciidamada amaankana ay kala shaqeeyaan sugida amaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...