Golaha Wasiirada oo xilalkii ka qaaday Taliyaha Booliiska iyo Agaasimaha Nabad-Sugida Qaranka

Date:

Muqdisho(SONNA):–, 29 October 2017 – Shir aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo gaar ahaan qaraxii shalay ay kooxaha argagaxisadu ka fuliyeen Hotel Nasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin la xiriirta dhacdadii Musiibada Qaran ee 14kii Oktoober iyo tii shalay 28ka Oktoober oo ay kooxaha argagaxisadu qarax iyo weerar ka fuliyeen hotel Nasa Hablood 2 ee Muqdisho.

Golaha Wasiirada ayaa ka tacsiyeeyey dhammaan dadkii ku geeriyooday Qaraxii argagaxisada ee shalay, una rejeeyey inta dhaawaca ah in EEBBE bogsiiyo. Golaha Wasiirada ayaa si kulul u cambaareeyey falka argagaxisada ah, isla markaasna ku ammaanay ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah sida ay u soo bad-baadiyeen dad badan.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in dhacdadii 14kii Oktoober 2017 loo qabtay dad gaaraya ilaa 5 qofood oo ay ku jiraan darawalkii gaariga Noha ee qarxay maalintaas iyo 2 damiin ka ahaa gaarigii ku qarxay isgoyska KM5 iyo shaqsi isaga isa soo dhiibay oo ay hay’adaha amnigu gacanta ku hayaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey dhacdadii qaraxii hotel Nasa Hablood 2 oo uu sheegay inay ku geeriyoodeen 27 qof, isla markaasna dad badan laga soo bad-baadiyey hoteelka oo ay ciidamadu u gurmadeen. Wasiirka ayaa sheegay in 5 maleeshiyada Al-Shabaab ah ay weerarka qaraxa soo qaadaan iyadoo 3 ka mid ah gacanta lagu dhigay oo ay hay’adaha amniga su’aalo weydiinayaan.

Golaha ayaa dood dheer ka yeeshay arrimaha amniga iyo nabadeynta soona jeediyey tallooyin muhiim u ah hay’adaha amniga. Intaas ka dib ayaa Wasiiirka Amniga uu Golaha Wasiirada ka codsaday in xilalka laga qaado Taliyaha Booliiska iyo Agaasimaha Hay’ada Nabad-Sugida Qaranka, si loo helo isla xisaabtan dhab ah.

Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib ugu danbeyntii cod u qaaday oo ay xilalkii ka qaadeen Taliyaha Booliiska Abdixakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo Agaasimaha Nabad-Sugida Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

—DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...