Madaxweyne Farmaajo oo maanta furay shirka wadatashiga amniga qaran

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah Xarunta Madaxtooyada uga furay shirka wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Shirkan ayaa Madaxdu waxa ay ku gorfeynayaan arrimaha siyaasadda dalka, wada shaqeynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, amniga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cabdi Faarax Siciid ayaa sheegay in shirkan uu muhimad wayn u leeyahay dadka iyo dalka, maadaama uu ku soo beegmay xilli ay ka socdaan guud ahaan dalka dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul dagaal oo laga xoraynayo argagixisada Alshabaab.

“Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyadu dhammaantood waa ay ajiibeen marti qaadkii Madaxweynahu uu u fidiyey 22ka bishaan si looga wada hadallo arrimaha taagan oo ay ugu hurrayso dagaalka ka dhanka ah alshabaab.”

Furitaanka shirkan ayaa waxaa ka qeybgaley Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxaned Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed.

-DHAMMAAD-

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...