Madaxweyne Farmaajo oo maanta furay shirka wadatashiga amniga qaran”Sawirro”

Date:

Muqdisho, Oktoobar 29, 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah Xarunta Madaxtooyada uga furay shirka wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Shirkan ayaa Madaxdu waxa ay ku gorfeynayaan arrimaha siyaasadda dalka, wada shaqeynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, amniga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cabdi Faarax Siciid ayaa sheegay in shirkan uu muhimad wayn u leeyahay dadka iyo dalka, maadaama uu ku soo beegmay xilli ay ka socdaan guud ahaan dalka dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul dagaal oo laga xoraynayo argagixisada Alshabaab.

“Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyadu dhammaantood waa ay ajiibeen marti qaadkii Madaxweynahu uu u fidiyey 22ka bishaan si looga wada hadallo arrimaha taagan oo ay ugu hurrayso dagaalka ka dhanka ah alshabaab.”

Furitaanka shirkan ayaa waxaa ka qeybgaley Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxaned Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed.

-DHAMMAAD-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...