Guddoomiye Jawaari Oo Khartoum Kula Kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Sudan “SAWIRRO”

Date:

Khartuum(SONNA)-Wafdi uu hogaaaminayo gudoomiyaha golaha shacabka JFS oo booqasho ku jooga Dalka Suudaan ayaa maanta Magaaladda Khartuum ee xarunta dalka Suudaan kulan kula qaatay gudoomiyaha Baarlamaanka ee dalkan Suudaan.

Gudoomiyaha golaha shacabka iyo waddigiisa ayaa lagu soo dhoweeyay xarunta Baarlamaanka ee dalka suudaaan ,waxaana labada Gudoomiye ay ka wada hadleen xiriirka labada dal gaar ahaan iskaashiga iyo wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan.

Sidoo kale waxa ay labada dhinac wada qaareen kulan ay goob jog ahaayeen xildhibaano ka tirsan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Suudaan ,waxaana kulanka looga hadlay sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen,dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dejinta shuruucda Baarlamaanada labada wadan ,

Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan nuux oo ah habdhowraha golaha shacabka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sidoo kale ay labada Gudoomiye ka wada hadleen isdhaafsiga qubaro dhinaca sharciga ah.

sawir qaade cadnaan

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...