Madaxda Dowladda FS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo kulamo horudhac ah uga socoda Muqdisho

Date:

VillaSoomaaliya(SONNA) Iyadoo maanta magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin madaxda Dowlada Goboleedyada Dalka ayaa waxaa bilowday kulamo wadatashi oo horudhac ah oo u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada

Ajandahaha looga hadlayo kulamadan horudhaca ah ayaa la xiriira in la mideeyo istraatiijiyada ku aadan duulaanka ka dhanka ah maleeshiyada Argagixisada Shabaab, taasi oo ay isku afgarteen madaxda Dowladda Federaalak Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada.

Warar ay wakaaladda SONNA ka heshey madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in la isku raacay ajandaha ugu muhiimsan oo ah in midoobo gulafka Alshabaab ka dhanka ah.

Sidoo kale kulamadan ayaa horudhac u ah shirkii loo balansanaa in maanta ay yeeshaan madaxda Dowladda Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada ay kulamadan horudhac u yihiin taasi oo lagu sii xoojinayo ajandayaasha ugu muhiimsan ee lagu gorfeyn doono shirkaasi marka uu toos u furmo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhawaan madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka ku casuumay shir wadatashi ah,kaasi oo haatan ay bilowdeen kulamo horudhac u ah adandayaasha looga hadlidoono shirkaasi.

Madaxada Dowladda Federaalak Soomaaliya ayaa sheegay in dalka uu dagaal ka dhan ah SHabaab uu gali doono,maalimo kadib markii ku dhawaad 600 boqol oo qof oo aan waxba galab ay xasuuqeen maleeshiyada SHabaab,taasi oo si isku mid ah u saameysay dareenka bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan madaxda Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...