Wararkii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Kenya

Date:

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee Dalka Kenya (IEBC) Mr Wafula Chebukati ayaa ku dhowaaqay in la joojiyo shir saxaafadeedyada ku saabsan doorashooyinka.

Mr Chebukati ayaa taasi ku macneeyay suurta galnimada rabshada ka dhasha shaacinta natiijada horudhaca ah ee doorashooyinka ku celiska ah ee Dalka Kenya.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay in 50-degaan Baarlamaaneed laga codeeyay waloow 5,319 oo ah goobaha codbixinta anan laga soo gudbinin wax farriin ah, taasi oo uu ku micneeyay  inaysan codeyn ka dhicin ama ay saameysay cillad dhanka khadka ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in arrimo dhowr ah laga baaraandegay ka hor inta anan la shaacinin in doorashada madaxtinimo ee ku celiska ah ay maalinta sabtida ka dhaceyso ismaamulada kala ah Kisumu, Migori, Homa Bay iyo Siaya oo shalay laga soo tabiyay caqabado dhanka amaaanka ah.

Waxaa uu intaasi ku daray in haddii ay dibadbaxyada sii socdaan guddiga doorashooyinka uu qaadanayo go’aan la xariira maamul goboleedyadaasi iyo natiijada doorashooyinka.

Natiijada hor dhaca ah ayaa muujinaysa in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku hogaaminayo codadkii la dhiibtay 442,052 oo cod, halka Raila Odinga oo ah hogaamiyaha mucaaradka Nasa uu helay 6, 321 cod.

Raila Odinga, oo horay u shaaciyay inuu is bahaysigiisu qaaddacay doorashooyinka haddana loollanka loo adeegsanayo Magaciisa iyo Sawirradiisa.

Saaka oo Jimca ahna waxaa lasoo sheegayaa iney sii lixaadsanayaan rabshadaha ka socda goobaha ay mucaaradku ku xooggan yihiin halkaasi oo sida ay Boliisku sheegeen lagu dilay Afar Qof, halka tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS “Geesiyaasha CXD waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga...

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa farriin hambalyo ah u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed .

HAMBALYO 12-KA ABRIIL MAALINTA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED Madaxweynaha Dowladda...