R/wasaare khayre oo la kulmay Madaxweyne Ordugan

Date:

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa la kulmay madaxweynaha Dalkaasi Rajib  Dayid Ordugan.

Madaxweyne Ordugan iyo Raiisul Wasaare Khayre ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada Dal iyo dowrka Dowladda Turkigu ay ka qaadanayso ladagaalanka argagixisada Shabaab.

Iyadoo ay xusid mudan tahay in Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga uu ka dhaxeeyo xariir qodo dheer ayaa malabada ma’suul ka wada hadleen dhaqan galinta heshiisyo ay horay u wada gaareen labada Dowladood iyo fulintaheshiisyadaasi.

Dhanka kale waxaa uu booqday dhaawacyadii la geeyey isbitaalada Dalkaasi,raiisul wasaaraha ayaa u rajeeyey in eebe uu bogsiiyo dadkaasi.

Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya ayaa dhigiisa dalka Turki, kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta amaanka, la dagaalanka Argagixsada, iskaashiga dhaqaalaha iyo xoojinta wada shaqaynta labada dawladood. Waxuuna tilmaamay in madaxda Turki, ay diyaar u yihiin sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen la dagaalanka iyo cirib-tirka Argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...