Qaramada Midoobe oo Dowadda Suuriya ku eedeeysay weerar hubka Kiimikada loo adeegsaday

Date:

Muqdisho(SONNA) War Qoraal ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Bishaar Al-asad ay ka danbeyso weerar Hub kiimiko loo adeegsaday oo ka dhacay dalka Suuriya.

Sidoo kale,Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu xusayn in dowladaa Suuriya ay ka dambeysay weerarkii Kimikada ee lagu qaaday magaalada Khan Sheikhoun horraantii sanadkan .

Sida wararka lagu helayo weerarka waxaa ku dhintay ku dhawaad 90-Qof halka tiro inraasi ka badan ay ku dhaawacantay.

Baarayaasha ayaa sheegay in Suntan waxyeelaysa neerfaha ee loo yaqaano Sarin,laga soo riday diyaarad.

Dowladda Suuriya ayaa horey u beenisay masuuliyada weerarkaasi.

Weerarkan kimikada oo dhacay bishii April ayaa sababay in Mareykanka ay weerar gantaalada kuruuska ku qaadaan saldhig ay leeyihiin ciidamada Suuriya.

Horaantii todobaadkan ayaa dowladda Rushka waxa ay codka diidmada qayaxan ku hor istaagtay qorsha ay wadeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobee kaasi oo lagu doonayay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo weerarkaasi kimikada ah ee ka dhacay Suuriya.

Danjiraha Qaramada midoobe u fadhida mareykanka Nikki Haley ayaa sheegtay in warbixintan ay xaqiijisay run ay horey u sii ogaayeen.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...