Wasiirka Maaliyadda XFS oo sheegay dowladda inay ku guuleysatay in joogto loo bixiyo mushaarka Shaqaalaha bil walba

Date:

Muqdisho(SONNA),  Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo Wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta qaranka, ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan Horumarka maaliyadda Qaranka oo ay kamid  yihiin canshuuraha, Mushaarka shaqaalaha Dowladda iyo arrimo kale.

Wasiir Beyle, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xil gaar ah iska saartay siddii loo joogteyn lahaa Mushaarka shaqaallaha dowladda, ayna dhammaan shaqaalaha  helaan  xaquuqdooda dhammaadka bil walba.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in qof kasta oo shaqaale ah dowladdana u shaqeeya uu xaq u leeyahay in mushaarkiisa la siiya, xittaa haddii uu fasax ku maqan yahay, waxaana uu xusay inay dhammaatay in la musumaasuqo Mushaar shaqaale loogu talo galay.

Waxa uu sheegay in dowladda ay u baahan tahay in la kaabo dhaqaalaheeda, isagoo Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay bixiyaan Canshuurta, si ay u fududaato in dib loo soo nooleeyo addeegyada arrimaha bulshada ah iyo mashaariic kale oo  shacabka Soomaaliyeed muhiim  u ah.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo kulan la qaatay beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Xildhibaan Maxamed Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO BOOQASHO SHAQO KU TAGAY XARUNTA WASAARADDA WARFAAFINTA

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...