Wasiirka Maaliyadda XFS oo sheegay dowladda inay ku guuleysatay in joogto loo bixiyo mushaarka Shaqaalaha bil walba

Date:

Muqdisho(SONNA),  Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo Wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta qaranka, ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan Horumarka maaliyadda Qaranka oo ay kamid  yihiin canshuuraha, Mushaarka shaqaalaha Dowladda iyo arrimo kale.

Wasiir Beyle, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xil gaar ah iska saartay siddii loo joogteyn lahaa Mushaarka shaqaallaha dowladda, ayna dhammaan shaqaalaha  helaan  xaquuqdooda dhammaadka bil walba.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in qof kasta oo shaqaale ah dowladdana u shaqeeya uu xaq u leeyahay in mushaarkiisa la siiya, xittaa haddii uu fasax ku maqan yahay, waxaana uu xusay inay dhammaatay in la musumaasuqo Mushaar shaqaale loogu talo galay.

Waxa uu sheegay in dowladda ay u baahan tahay in la kaabo dhaqaalaheeda, isagoo Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay bixiyaan Canshuurta, si ay u fududaato in dib loo soo nooleeyo addeegyada arrimaha bulshada ah iyo mashaariic kale oo  shacabka Soomaaliyeed muhiim  u ah.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...