Ururo Soomaali oo ka shaqeeya Arimaha Bulshada oo Turkiga uga mahad celiyay taageerada Soomaaliya

Date:

Muqdisho(SONNA) Ururo Soomaali oo ka shaqeeya Arimaha Bulshada ayaa booqday safaarada Turkiga ay ku leedahay dalka Holand si ay mas’uuliyiinta safaarada Turkiga uga mahad celiyaan doorka muuqda ee Turkigu ku leeyahay taageerada Shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya.

Faadumo Faarax oo u hadashay Ururka HIRDO oo ka shaqeeya Arimaha Horumarinta iyo gargaarka ayaa mas’uuliyiinta safaarada Turkiga ee Holand ay booqdeen marka hore ugu mahad celisay dadaalka lixaadka leh ay Dowladda Turkiga ku bixisay sidii loogu gurman lahaa dadkii waxyeelada ka soo gaartay Qaraxii Wuxuushnimada ahaa ay Argagixisadu 14-kii bishan  ka fulisay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale,Faadumo Faarax ayaa sheegtay iney Muqdisho ku sugneyd xilligii uu dhacayay Qaraxii Soobe,islamarkaana goob joog u ahayd doorka muuqda uu Turkiga ku lahaa sidii loo caawin lahaa dadkii ay masiibadu haleeshay.

Dowladda Turkiga ayaa diyaarad gargaar caafimaad ah u soo dirtay Muqdisho halka tiro ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Soobe loo qaaday dalkaasi si loogu soo daaweeyo.

Madaxweynaha Turkiga Receb Tayib Erdogan ayaa balan qaaday inuu si dhab ah u garab istaagi doono shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya si looga adkeeyo horumarada dalka ka socda.

Dowladdo badan ayaa ka soo jawaabay baaqii Dowladda ee ahaa inaan loo kala harin u gurmashada dadkii wax ku noqday Qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Soobe oo ah goob aad u mashquul badan oo ganacsi badan ay ku yaalaan halkaasi oo ruux naftii halige ah oo waday gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa isku qarxiyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...