Safaf dhaadheer oo loogu jiro codbixinta doorashada Kenya

Date:

Kenya(SONNA) Dalka Kenya ayaa waxaa sirasmi ah uga bilaabatay doorashadii madaxtinimo iyadoo Ammaanka Dalkaasi aad loo adkeeyaywaxaana  loo dareeray codaynta doorashada lagu murmay ee ku celiska ah, taas oo uu qaadacay xisbiga mucaaradka ugu way nee Dalka Kenya.

Magaalooyinka iyo guud ahaan Gobolada Dalkaasi Kenya ayaa waxaa lagu arkayaa saakay dad aad u farabadan oo safuuf dhaadheer ugu jira sidii looga qeyb qaadan lahaa codbixinta doorashada.

Uhuru Kenyatta oo horey ugu guuleystay doorashada ayaa  raadinaya in mar labaad xilka loo soo doorto,wuxuuna mar Kenyatta uu ugu baaqay dadka in ay codeeyaan islamarkaana la adkeeyo nabad geliyada guud ahaan dalka gaar ahaan goobaha doorashooyinkaasi ay ka socodaan.

Balse arrinta shakiga leh ayaa ah in uu Hoggaamiyaha mucaaradka Dalkaasi Kenya Raila Odinga  isaga haray doorashada ku celiska ah,wuxuuna ugu baaqay taageerayaashiisa in aysan ka codeyn doorashadaasi bilaabatay.

Waxaa horey uu Guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati  u sii sheegay in xorumaha coddayntu ay furmi doonaan 6:00 subaxnimo, ka dib markii ay xukuumadu damaanad qaad siisay taasi oo keentay in dorashadu ay bilaabato.

Ciidamo aad u farabadan o gaaraya Tobannaan kun oo booliis ah iyo xubnaha kale ee laamaha ammaanka ayaa la geeyayy goobaha codbixinta si ay u sugaan Amniga guud ee  goobaha laga codaynayo iyo xarrumaha codka laga dhiibanayo dhamaantoodaba.

Kenyatta oo dadka ugu baaqaya in ay codeeyaan ayaa sheegay in awawyadood ay u soo dagaalameen una dhinteen xaqa in dadka Afrikaanka ah ay codkooda dhiibtaan,Waa in aynaan ku dhiiranin diiditaanka dhaxalkaas ayuuna sii raaciyay.

Tan iyo markii Maxakamadda sare ee dalkaasi ay laashey guushii uu horey u gaaray Mr Kenyatta waxaa soconbayay olole siyaasadeed iyadoo uu jiray jahwareer arintaasi ka dhalatay,xubin kamid ah guddiga ayaa horey isku casishey,markii khilaafka uu sii fogaaday,balse la arkidoonee qaabka ay u dhacdo doorashada iyo natiijada ka soo baxda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...