R/wasaare khayre oo la kulmay Madaxweyne Ordugan

Date:

Muqdisho(SONNA):–Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa la kulmay madaxweynaha Dalkaasi Rajib  Dayid Ordugan.

Madaxweyne Ordugan iyo Raiisul Wasaare Khayre ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada Dalka iyo dowrka Dowladda Turkigu ay ka qaadanayso ladagaalanka argagixisada Shabaab.

“Safarkii aan ku tagay Turkey wuxuu astaan u yahay iskaashiga walaaltinimo ee labada dal, guul iyo is af-garad ayuuna ku soo dhamaaday” ayuu yiri R/wasaare Khayre oo Bartiisa twitterka soo dhigay qoraalkan

Dhanka kale waxaa uu booqday dhaawacyadii la geeyey isbitaalada Dalkaasi,raiisul wasaaraha ayaa u rajeeyey in eebe uu bogsiiyo dadkaasi.

Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya ayaa dhigiisa dalka Turki, kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta amaanka, la dagaalanka Argagixsada, iskaashiga dhaqaalaha iyo xoojinta wada shaqaynta labada dawladood. Waxuuna tilmaamay in madaxda Turki, ay diyaar u yihiin sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen la dagaalanka iyo cirib-tirka Argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga, Mudane Farxaan Cali Axmed,...

25-carruur Soomaaliyeed oo adeeg caafimaad oo muhiim ah ka helay Talyaaniga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji,...

Wasiir Daa’uud Aweys” Xukuumadda DanQaran waxay ahmiyad gaar siisay horumarinta Dalxiiska Dalka”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Daa’uud Aweys...