Madaxweyne Farmaajo “Musiibadii ka dhacday Soobe si aysan mar kale noogu soo noqon, waa in aan u wada istaagnaa difaaca dalkeenna”

Date:

Muqdisho(SONNA), 25 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in madaxda dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti ay isku soo afgarteen in la dar-dar geliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhiggiisa Mudane Yoweri Museveni, Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka aqbaleen in ay kordhiyaan dadaalada dalalkooda ay kaga qayb qaadanayaan dagaalka lagaga xoraynayo Alshabaab guud ahaan dalka.

“Waxaan u safarnay sidii aan garab ugu heli lahayn dar-dar gelinta dagaalka aan dalka kaga xoraynayno Alshabaab, Alle waa nagu guuleeyey. Madaxdu waxa ay ballan qaadeen in ay ka jawaabaan codsigeenii ahaa in la xoojiyo ciidamadeenna oo qalab iyo agabka ay u baahanyihiin nagu gacansiiyaan.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan la dagaalanka argagixisada Alshabaab ee had iyo jeer ku howllan xasuuqa iyo gumaadka umaddeena.

“Murugadii ka dhacday Soobe si aysan mar kale u soo noqon, waa in aan u wada istaagnaa difaaca dalkeenna, lana dagaallano cadawga si aysan fursad dambe ugu helin dhibaatada ay nagu hayaan.”

Madaxweynaha ayaa ku howllan qorsheyaal lagu dabargooynayo khatarta Alshabaab, isagoona safarkiisa kahor Xarunta Ciidanka ee Jasiira ku saagootiyey Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo u ambabaxayey howlgallo ka dhan ah argagixisada Alshabaab.

 

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...