Madaxweynaha JFS oo goor dhow dib ugu soo laabtay Dalka

Date:

Muqdisho(SONNA) Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo uu ku kala bixiyay wadamada Jabuuti, Itoobiya iyo Uganda oo ciidamadooda joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in guulo ay ku soo dhamaadeen dhamaan safaradii dalalkaasi uu ku tagay waxaana uu sheegay in ay ka aqbaleen sidii ay Soomaaliya uga gacan siin lahaayeen dagaalka cusub oo lala galayo maleeshiyaadka Argagixisada SHabaab.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in marna Dowladda Soomaaliya aanay u dulqaadan doonin gumaadka Shabaab ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed,isagoo muujiyaya sida dowladdu ay uga go’antahay in maleeshiyada Shabaab laga xoreeyo guud ahaan Dalka.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa Madaxda Dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti kala hadlay sidii ay kaalin uga geysan lahaa ladagaalanka argagixisada,waxaana uu ka dambeyeey safarkiisa maalmo kadib markii kooxda Shabaab ay xasuuqeen boqolaal shacab ah oo aan waxba galabsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo kulan la qaatay beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Xildhibaan Maxamed Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO BOOQASHO SHAQO KU TAGAY XARUNTA WASAARADDA WARFAAFINTA

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...