Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo Garoowe uga qeybgalay kulankii 4-aad ee baarlamaanka Puntland

Date:

Magaalada Garoowe ayaa waxaa maanta ka furmaya kulanka 40-aad ee kalfadhiga Baarlamaanka Puntland kaasi oo ay ka qeybgalayaan Guddoomiyaasha labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda kulankaasi ayaa ka soconaysa howlka shirarka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe,iyadoo siweyn loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ahna ku simaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawri  iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi oo ay wehliyaan xildhibaano katirsan labada Gole ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya furitaanka kalfadhigan.

Wafdigan ayaaa shalay markii ay gareen magaalada Garoowe waxaa ay la kulmeen soo dhaweyn diiran ay oo ay u sameeyeen madaxda maamulka Puntland iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...