Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare oo warbixin ka dhageystay Wasiirka Kalluumeysiga

Date:

Muqdisho(SONNA) Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa uu dhexmaray Guddiga khayraadka Qaranka,kaabayaasha dhaqaalaha  iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare iyo Wasiirka Wasaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada kulanka ayaa waxaa uu ahaa warbixin guddigaasi uu ka dhageysanayay Wasiirka Kalluumeysiga oo isagu faah faahin ka siiyay guddigan howlaha horyaala Wasaaradda iyo waxyaabihii u qabsoomay.

Xubnaha guddiga ayaa mudadii kulankaasi uu socday waxaa ay su’aalo weydiinayeen Wasiirka kuwaasi oo la xiriiray waxqabadka Wasaaradda iyo qorshe howleedyada horyaala,iyadoo Wasiir kuxin uu ka jawaabayay.

Dr C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi Wasiirka Kalluumeysiga ayaa guddiga ka codsaday in ay wax ka qabtaan cabashooyin uu soo jeediyay oo Wasaarddu ay qabto.

Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka,Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare Mudane Ilyees Cali Xasan oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ka guddi ahaan ay kala shaqeyn doonaan Wasaaradda sidii ay wada shaqeyn u dhexmari lahayad,isagoo balanqaaday in waxbadan laga qaban doono cabashooyinka ay soo gudbisay Wasaaradda.

Guddigan iyo Wasiirka ayaa ugu dambeyn isla gartay in sedexdii biloodba mar warbixin qoraala ah Wasaaraddu ay la wadaagto guddiga si loo xoojiyo wadashaqeynta.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo Golaha Aqalka sare asy kula xisaabtamayaan  madaxada hay’adaha kaladuwan ee Dalka,waana Wasiirkii todobaad oo uu guddigan la xisaabtamo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...