Madaxweyne Kenyatta Doorashada Khamiista ma dhaafayso”

Date:

Nairobi(SONNA)Iyadoo weli mucaaradka ay ka soo horjeedaan hanaanka doorashada ayaa Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta wuxuu  sheegay in aysan baaqan doonin doorashada madaxtinimada ee lagu wado in dalkaasi ay ka dhacdo Khamiista soo socota.

Mr Kenyaata ayaa wuxuu xusay in hadii kooxaha mucaaradka ah ay diidan ama aqabalaanba ay dhacayso doorashada madaxtinimo ee dalka Kenya,taasi oo dhowr jeer u baaqatay sababo la xiriira dhanka siyaasadda oo la isku mari waayay.

Isaga oo magaalada Nairobi kula hadlayay qaar ka mid ah taageerayaashiisa, ayuu Uhuru sheegay in doorashadu u qabsoomi doonto sidi loogu tala galay, waxuu ka codsaday taageerayaashiisa in ay si xoog leh ugu codeeyaan.

Balse Hoggaamiyaha mucaaradka Dalkasi Kenya Mr Raila Odinga ayaa ka laabtay musharaxnimadiisa, kadib marki uu sheegay inuusan ku qanacsaneyn hannaanka doorashada,taasi oo dhalisay shaki iyo walwal ku aadan suuro galnimada in doorashadu ay u dhacdo hanaankii loogu talagalay iyo waqtigii loo qorsheeyey intuba.

Dadka odorosa arrimaha siyaasadda ee Dalkaasi Kenya ayaa ka digaya cawaaqib xumo ka dhalan karta doorashadani haddii aysan ka qeybgalin mucaaradka iyo haddii aysan u dhicin si xalaal ah intuba.

Maxakamadda sare ee dalkaasi Kenya ayaa horey u laashey guushii uu doorashada ka gaaray madaxweyne Uhuru Kenyatta,taasi oo keentay in markale dib loogu celiyo welina ma muuqdo xal siyaasadeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...