Madaxweyne Farmaajo “waxaan idin ka filaynaa in aad nagala shaqaysaan in aan alshabaab ka tir tirno guud ahaan dalka.”

Date:

 

Jabuuti, 24, Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku maraya qaar ka mid ah wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa Magaalada Jabuuti waxa uu kulan kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sida labada dal ay isaga kaashan lahaayeen amniga, iyagoona isla qaatay in la dardar geliyo howlgallo lagu dabargoynayo kooxda alshabaab ee dhibaatada ku haysa shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Geelle kaalinta uu ka geysto nabadeynta iyo dib u kabashada Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay mar walba u garab taaganyihiin.

Madaxweynaha waxa uu si gaar ah u xusay gurmadkii caafimaadka degdega ahaa ee Jabuuti ay u fidisay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Soobe.

“Jabuuti waxa ay noo tahay hiil aan isku hallayn karno. Wakhtiyadii adkaa sida aad noo garab istaagteen waa idiin ogsoonnahay. Soomaaliya maanta cadawga kaliya ee ay leedahay waa alshabaab. Sidaas darteed waxa aan idin ka filanynaa in aad nagala shaqaysaan in aan cadawgaas aan ka tir tirno guud ahaan dalka.”

Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dalkiisu uu garab ku siinaayo Soomaaliya tallaabo kasta oo u horseedaysa xasillooni waarta iyo amni buuxa.

“Dhabtii waa noo muuqataa dhibaatada argagixisada alshabaab ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed. Qof waliba waa arkay khasaarihii ka dhashay qarixii Soobe, waxaanse idiin caddaynayaa in aanan idin ku fiirsanayn cadawgaas. Mar kasta Jabuuti waxa ay idinla garab taagantahay hiil iyo hoo.”

Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maalinimada berri ah waxa uu soo gabagabaynaaya safarro shaqo oo qaatay mudo 3 cisho ah kuwaas oo uu ku tagay dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...