Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka socota Jowhar

Date:

Muqdisho (SONNA) Magaalada Jowhar waxaa hada ka socota Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyadoo khudbado ay jeedinayaan Masuuliyiinta lagu casuumay Munaasabada.

Hoolka ay xaflada ka socota waxaa goobjoog ka ah Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Wasiiro, Guddoonka Aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdulahi, Xildhibaano, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo Marti sharaf kale.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo Munaasabada, iyadoo sidoo kale Wasiirada iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Marti sharafta kale ay khudbado ka jeedin doonaan.

Amaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo lagu arkayo gudaha iyo daafaha magaalada ciidamo aad u sugaya amaanka, iyadoo shacabka Magaalada Jowhar ay qeyb ka qaadanayaan soo dhaweynta wafuuda kala duwan.

Xaflada oo hada socota waxaa si toos ah ugala socon kartaan Telefishinka Qaranka Soomaaliya SNTV, Radio Muqdisho iyo Baraha Bulshada Warbaahinta Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...