Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka socota Jowhar

Date:

Muqdisho (SONNA) Magaalada Jowhar waxaa hada ka socota Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyadoo khudbado ay jeedinayaan Masuuliyiinta lagu casuumay Munaasabada.

Hoolka ay xaflada ka socota waxaa goobjoog ka ah Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Wasiiro, Guddoonka Aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdulahi, Xildhibaano, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo Marti sharaf kale.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo Munaasabada, iyadoo sidoo kale Wasiirada iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Marti sharafta kale ay khudbado ka jeedin doonaan.

Amaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo lagu arkayo gudaha iyo daafaha magaalada ciidamo aad u sugaya amaanka, iyadoo shacabka Magaalada Jowhar ay qeyb ka qaadanayaan soo dhaweynta wafuuda kala duwan.

Xaflada oo hada socota waxaa si toos ah ugala socon kartaan Telefishinka Qaranka Soomaaliya SNTV, Radio Muqdisho iyo Baraha Bulshada Warbaahinta Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta...

Wasiir Fiqi oo sheegay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsan codsiyo u soo dirsadeen dowladda

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Guddoonka labada Aqal ee BFS oo ganaaxay Xildhibaanno qalalaaso ka sameeyay fadhigii wadajirka ahaa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...