Rex Tillerson oo gaaray Riyaad si uu xaliyo khilaafka Khaliijka

Date:

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa gaaray magaalada Riyaad ee Caasimada Dalka Sacuudiga maanta oo sabti ah, waxa ay tani qeyb ka tahay socdaal uu ku marayo bariga dhexe muddo toddobaad ah.

Rex Tillerson, ayaa la kulmaya Dalka Sacuudiga Caadil Al Jubeyr, isaga oo kadib u ambabixi doona Magaalada Dooxa si loo xaliyo khilaafka siyaasadeed ee Khaliijka.

Wakaaladda Reuters ayaa sheegtay in Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka uu dhinaca kale ka qeyb gali doono wadahadalada Sacuudiga iyo Ciraaq oo lagu hagaajinayo xiriirka labada dhinac oo mugdi ku jiray sanadihii dambe.
Waxa uu muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay in xal laga gaaro khilaafka, marka loo eego buu yiri sida Qadar iyo Dowladaha xiriirka u jaray ay diyaar ugu yihiin wadahadal, hase ahaatee waxa uu sheegay in xalka uu waqti u baahan yahay.

Afhayeen u hadashay Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa laga soo xigtay in ay tiri “waxa uu Tillerson isku dayayaa in dhinacyada uu ku dhiiragaliyo in ay isugu yimaadaan Miiska wadahadalka blase aysan dooneyn dhinacyada in ficil loo badalay”

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa socdaalkiisa bariga dhexe sidoo kale ku tagi doonaa qaar ka mid ah dalalka Yurub iyo Aasiya, sida Hindiya, bakistaan iyo Switzerland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...