Madaxweynaha JFS oo Shir ku Martiqaaday Madaxda Dowlad Goboleedyada

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa martiqaad u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga soo qeybgalayaan shir wadatashi ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho 28ka Oktoobar, 2017.

Shirkaas ayaa looga arrinsan doonaa hawlo muhiim ah oo horyaalla qaranka, ayna ugu horreyso sidii musiibadii Qaran ee ka dhacday magaalada Muqdisho 14kii bisha Oktoobar 2017 loogu beddali lahaa midnimo Qaran. Qodobada kale ee diirada lagu saari doono shirkaan waxaa kamid ah sidii loo xoojin ahaa wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.

Sidoo kale, waxaa shirkaas looga wada hadli doona arrimo muhiim u ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. Qodobadaan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn, waxaana ka mid ah dardargelinta nabadeynta dalka, horumarinta hannaanka federaalaynta, dib u eegista dastuurka, habka qeybsiga kheyraadka dalka iyo geeddi socodka doorashada 2020.

-DHAMMAAD-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS),...

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...

Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar oo Kalfadhigoodii Koowaad ku yeeshay Doha

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...