Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerar Askar ay ku dhinteen oo ka dhacay Masar

Date:

Muqdisho(SONNA) War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradad arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyey weerar khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo dhawaan lagu qaaday ciidamada Ammaanka ee dalka Masar.

Dowladda Soomaaliya ayaa shacabka iyo Dowladda Masar uga tacsiyadaysay weerar qarax ku bilowday kaasi oo  ay ku dhinteen ilaa 53 askari oo katirsanaa ciidamada amniga dalkaasi Masar.

Qarax dhulka lagu aasay oo ka dhacay Gobolka Waaxda ee Dalkaasi Masar ayaa wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi Masar waxay ku eeedeysay in ay ka dambeeyeen kooxaha Ikhwaanul Muslimiin oo ku sugan dalkaasi Masar.

Qaraxa kadib ayaa waxaa dhacay weerar fool ka fool ah oo dhexmaray labada dhinaca kaasi oo Dowladda Masar ay ku sheegtay in lagu dilay 15 kamid ah kooxdii weerarkaasi soo qaaday.

Dowladda Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo hubaysan oo ka dagaalama dalkaasi,iyadoo inta badan weeraradu ay u dhacaan qaab ku dhufo ka dhaqaa ah.

Laamaha ammaanka Masar ayaa waxa ay ku tilmaameen kooxdan Hasm in ay yihiin garabka hubaysan ee ururka Akhwaanul Muslimiinta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...