Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerar Askar ay ku dhinteen oo ka dhacay Masar

Date:

Muqdisho(SONNA) War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradad arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyey weerar khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo dhawaan lagu qaaday ciidamada Ammaanka ee dalka Masar.

Dowladda Soomaaliya ayaa shacabka iyo Dowladda Masar uga tacsiyadaysay weerar qarax ku bilowday kaasi ooย  ay ku dhinteen ilaa 53 askari oo katirsanaa ciidamada amniga dalkaasi Masar.

Qarax dhulka lagu aasay oo ka dhacay Gobolka Waaxda ee Dalkaasi Masar ayaa wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi Masar waxay ku eeedeysay in ay ka dambeeyeen kooxaha Ikhwaanul Muslimiin oo ku sugan dalkaasi Masar.

Qaraxa kadib ayaa waxaa dhacay weerar fool ka fool ah oo dhexmaray labada dhinaca kaasi oo Dowladda Masar ay ku sheegtay in lagu dilay 15 kamid ah kooxdii weerarkaasi soo qaaday.

Dowladda Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo hubaysan oo ka dagaalama dalkaasi,iyadoo inta badan weeraradu ay u dhacaan qaab ku dhufo ka dhaqaa ah.

Laamaha ammaanka Masar ayaa waxa ay ku tilmaameen kooxdan Hasm in ay yihiin garabka hubaysan ee ururka Akhwaanul Muslimiinta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...