Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka qeyb galay Bandhigga Dhiira gelinta Dhalinyarada oo Ruushka ka soconaya

Date:

Magaalada Sochi Russia waxaa ka soconaya munaasabado la xiriira maalinta dhiira galinta Dhalinyarada iyo ardayda taasi oo ay ka qeyb galayaan dhalinyaro ka socda dalalka caalamka oo Soomaaliya ay kamid tahay.

Madaxweynaha dalka Ruushka Valadamir Putin ayaa daah furay munaasabadda oo ay ka qeyb galayaan ilaa iyo 185 wadan oo caalamka ah, wadamadaasi oo Soomaaliya ay qeyb ka tahay.

Munaasabaddan ayaa loogu talo galay in ay socoto muddo 10-maalin ah, iyada oo maalin walba looga hadlo mowduuc gaar ah oo la xiriira dhiira galinta dhalinyarada dunida.

Markii ugu horeysay ayaa waxaa ka qeyb galay dhalinyaro Soomaaliya mataleysa oo halkaasi kusoo bandhigay caqabadaha heysta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo sida xiligan ay muhiim u tahay in la dhiira galiyo.

C/kariin Siciid Yuusuf (Sujaac) oo kamid ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo bandhigaasi ka qeyb galay ayaa sheegay in Soomaaliya maanta ay halkaasi kusoo bandhigtay Bandhig wanaagsan oo ka turjumaya dhaqanka Soomaaliyeed iyo farshaxano muujinaya ahmiyadda dhaqanka Soomaalida.

Inkabadan 120-kun oo ajaanib ah ayaa ka qeyb galaya Bandhigaasi waxaana ahmiyad gaar ah la siinayaa dhiira galinta iyo sare u qaadista dhalinyarada caalamka, iyada oo la filayo in lasoo gaba gabeeyo 23-ka bishaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...